Waqtiyadii wacnaantaa dib ugu soo noqday Silicon Valley. Beero xafiiseedka ku dhereran Haloosiga 101 ayaa mar labaad lagu qurxiyay astaanta bilawyo cusub. Kirooyinkii kor bay u kaceen, waa sida uu yahay dalabka guryaha tamashlaynta ee xalladda leh ee magaalooyinka nasashada sida lake Tahoe, astaan muujinaysa hanti la aruurshay. Bay Area waa meeshii ay ka dhalatay sancada semiconductor-ku iyo kombuyuutarka iyo shirkadihii interneedka ee koray waageedii. Saaxiriinteedaa waxay keeneen wacdaro badan kuwaas oo adduunka dareensiiyay inuu aayo leeyahay, laga bilaabo shaashadaha taabashada ee telafoonnada ilaa goobitaanka maktabadaha oo isla markiiba ilaa awoodda duulinta daroonka kumaakun mayl. dib-u-noolaanta hawlaheeda ganacsi tan iyo 2010 waxay tilmaamaysaa in hore loo socdo.
Haddaba waxaa suurtogal ah inay yaab noqoto in qaar jooga Silicon Valley ay u fakaraan in meeshu fadhiid tahay, iyo in qaddarkii maamintu tobonnaan sano gabaabsi aha. Peter Thiel, yagleelihii PayPal , oo ah maalgeliyihii dibedda ee Facebook, wuxuu leeyahay maamintii Ameerika waxay ku sugan tahay "meel u dhaxeysa dhimasho iyo ciriiri".
Injineerada dhammaan aagagga kala duwan waxay qabaan dareen lamida oo ididiilo-xumo ah.
[ … ]
Golaha dhexdiisa, maaminnada ka shidaal qaadanaya awoodda habaynta ee jaban baa kacaansan. Kombuyuutaradii waxay bilaabayaan inay fahmaan afka caadiga. Dadkii waxay ku xakamaynayaan ciyaaraha fiidiyowga dhaqdhaqaaqa oogada oo kaliya.-farsamo ay dhici karto in dhawaan ku dhaqankeedu si weyn uga hirgalo caalam ganacsiga. Daabacaadda seddex geesleyda waxay kari kartaa inay sii kordhaysa u hombooriso walxo adadag oo xiriira, waxaana dhici karta inay dhawaan u gudubto dhanka hilibka aadanaha iyo walxaha kale ee dabiiciga.
Balaahoodaha maamintu wuxuu middaan ka dhigi karaa "macmacaanka burrito".
laakiin fidradda ah in koritaanka ay farsamadu hoggaaminayso ay tahay inay sii socoto iyadoon is dhimin ama ay si joogto ah hoos ugu dhacdo, intay geli lahayd xaalad gabaabsi iyo burqasho ah, waxay kadhan tahay taariikhda. Chad Syveson oo ka tirsan Jaamacadda Chicago wuxuu tilmaamayaa koritaanka wax-saarku intii lagu Jiro waagii danabaynta wuxuu ahaa boodboodaa. koritaanku waa wuu gaabainaayay intii lagu jiray xilligii maaminnadii danabka ee doorka ahaa ee ragaalkii qarniyadii 19-aad iyo 20-aad; kadibna kor buu u kacay.